Taariikhda wadankeena

somalia1.gif

Home | music somali | somali album | Taariikhda wadankeena | xariirka | qur'aan | heeso bilaa cod ah

                             taariikhda wadankaaga hooyo
 
                                       
الصومال         ,    
Flag of Somalia SomaliyeeyNembo ya SomaliaTuus

Maalmaha dalkeena lagu qadariyo lana xuso sanada walba waxaa ka mid ah:

            

Xooga Dalka Soomaaliya - Tikniko | exciyaalyaaqshiid.tripod.com

This is a video response to waw hadaan yarta daynlahaa | exciyaalyaaqshiid.tripod.com
 

  • 2. 1dii1. 26kii Juun 1960kii  xornimadii gobolada Waqooyi. 
  •  Luulyo 1960kii midoobidii Gobolada waqooyi iyo Koonfur.
  • 3. 1dii luulyo 1960kii xornimadii Gobolada koonfureed.
  • 4. 12ka Abril Aas aaskii calanka iyo maalinta xooga dalka Soomaaliyeed.
  • 5. 8da Maarso maalinta haweenka Soomaaliyeed
  • 6. 5tii Octobar 1949kii dagaalkii dhagax tur iyo hanoolaato.
  • 7. 27kii Juun 1977kii xornimadii dalka jabuuti. 
  • 8. 15kii Maajo 1943kii aasaaskii ururka S.Y.L.
  • 9 . bishii Ocotobar 18-20 1971kii shirkii ururka midowga africa ayaa lagu qabtay xamar 
  • 10. 20kii bishii 12aad sanadii 1950kii  aasaaskii booliska soomaaliyeed
  • 11. 21 octobar sanadii 1972kii qoraalkii farta Soomaaliga
  • 12. 16kii Febrayo 1974kii Soomaaliya waxay ku biirtay Jaamacadda carabta.
  • 13. 1528- 1542kii halgankii Axmed Gurey ee itoobiya iyo Bortaqiiska.
  • 14. 1900- 1921juu Gakgabkii Sayid Max'ed Cabdulle Xasan ee ingiriiska. 
  • 15. 1da April 1950kii heshiiskii Q.M iyo talyaaniga ee xornimo gaarsiinta Soomaaliya.
  • 16. Bishii Luulyo 1960kii waxaa dalka madaxweyne u noqday adan cabdulle cusmaan 
  • 17. Bishii Juun 1967dii waxaa dalka madaxweyne u noqday cabdi rashiid cali sharma'arke  
  • 18. bishii Octobar 1969kii waxaa dalka madaxweyne u noqday maxamed siyaad barre
  • 19. Warshadii kaluunka Laasqoray waxaa la aasaasay 1970kii
  • 20. Warshadda dharka Balcad waxaa la aasaasay sanadii 1968dii
  • 21. Warshadda sonkorta jowhar  waxaa la aasaasay 1962dii  
  • 22. Warshadda Caanaha Xanar waxaa la dhisay 1966kii
  • 23. Warshadda Hilibka ee kismaayo waxaa la dhisay 1973kii

 

 

Somaaliya waa dal ku yaalla geeska Bari ee afrika Waa dal ku fadhiya dhul balaaran inkastoo aysan ilaa iyo hada dhulalka mid ah aysan xorayadoodii wali qaadan sida Dhulka soomaali galbeed ee itoobiya gumaysato dhulka NFD ee Kenya gumaysato, waa dal raadkiisu taariikhda dunida laga heli karo, isagoo hadba magac lagu tilmaamayo, gaar ahaan xilligii Faraaciinta iyo Romaankuba. Soomaaliya waxay u qaybsantahay 18 gobol,oo kala ah:

  • 01. Awdal (Baki)
  • 02. Bakool (Xudur)                                         
  • 03. Banaadir (Mugdisho ama Xamar)
  • 04. Bari(Bender Cassim) ( Boosaaso).
  • 05. Bay (baydhabo)
  • 06. Galgaduud (Dhuuso Mareeb)
  • 07. Gedo (Garbahaarreey)
  • 08. Hiiraan  (Beledweyne)
  • 09. Jubbaada dhexe (Bu'aale)
  • 10. Jubbada hoose (kismaayo)
  • 11. Mudug (Galgacyo)
  • 12. Nugaal (garoowe
  • 13. Sanaag(Erigabo)
  • 14. Shabeelaha dhexe(Jowhar)
  • 15. Shabeelaha hoose (marka)
  • 16. Sool (Laascaanood)
  • 17. Tugdheer (Burco)
  • 18. Waqooyi galbeeed (hargeysa)

Soomaaliya waxaa xornimadeeda la soo noqotay 1960, kadib markii ay halgan hal qarni qaatay ay dadka Soomaaliyeed la galeen dawladihii gumaysanayey oo kala ahaa Talyaaniga iyo Ingiriiska, kuwaas oo u kala qaybiyey geyiga Soomaaliya shan qaybood. Waxay dadka Soomaaliyeed u ahayd guul aad u wayn markii ay xoroobeen labadii qaybood ee Ingiriiska iyo Talyaanigu ay kala gumaysan jireen, iyadoo ay weli ku soo jireeney gacanta gumaysiga qaybihii lakala siiyey faransiiska itoobiya iyo keenyaMarka laga soo gudbo kacaa kufkii dawladihii curdinka ahaa ee gumaysiga ka danbeeyey, waxaa dalka Soomaray dawlad milateri ah oo dhinacna gan adag ku maamulaysay dalka dhinaca kalena ay tartan kula jireen siyaasado badan oo kala ujeedo ah, taas oo dadka Soomaaliyeed ugu danb ayntii geyey siisay inay gaadhaan xaalad laga naxo oo loo malayn karo in dalkuba dib uga soo kaban waayo. Kooxaha maangaabka ah iyo kuwa loo adeegsaday dhagarta dalkooda ayaa ilaa maanta la soo indhacad in burburkii dalku uu ahaa guulo la gaadhay... Taas oo aan ka dheehan karno halhaysyada meelaha qaarkood laga adeegsado sida mujaahid iwm. Waxaa warbaahinta qaarkeed ayba halhaysyada furitaanka ka dhigteen heeso iyo erayo lagu dhafoor taabanayo Ummadaa hagaastay...

 

 Maxaa ka taqaan Soomaliaya

Dalka Soomaaliya waxa uu ku yaalaa geeska Africa wuxuuna ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhantahay 635.541km2, waxana uu xuduud la wadaagaa Bari waxaa ka xiga Badweynta hindiya, waqooyina waxaa ka xiga Jabuuti, Galbeedna dalka Itoobiya, halka koonfur galbeedna uu ka xigo dalka Kenya. Dalka Soomaaliya waxa uu yahay dalka labaad ee ugu xeebta dheer qaaradda Africa wuxayna leedahay xeeb dhirirkeedu tahay 3333km. Tirada dadka Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa 8,000,000 oo qof. 60% Soomaalidu waa dad reer baadiya ah , 20% waa dad reer magaal ah, 15% waa dad beeralay ah iyo 5% oo ah dad Kaluumayato ah.

khubarada ka faaloota taariikhda dalka Soomaaliya waxa ay sheegeen in erega Soomaaliya uu ka taaganyahay labo eray oo la'isku geeyay, kuwaasi oo kala ah (Soo-Maal), iyadoo eraga Soo macnihiisa loola jeedo Soco, halka ereyga Maal uu macnihiisu ka soo jeedo Lis.

Marka labadaasi eray la'isku daro waxaa uu noqonayaa (Maal Saca).

Khubarada qaarkood waxa ay sheegaan in magaca Soomaali uu asal ahaan ka soo jeedo ereyga carabiga ee ah (Duu-maa) oo fasir ahaan la macna ah Shacab xoolo badan leh.

Sooyaalka taariikhda qadiimiga ah waxaa iyadana laga helayaa macno kale iyadoo khubaraduna ku doodayaan in ereygaasi uu ka yimid Samaala oo micnihiisu yahay ninkii waranka Dheeraa.

Samaala ayaa la sheegaa in uu ahaa ab iyo waziirkii ay ka soo farcanmeen dadka Soomaaliyeed (Aw-Samaale). Taariikh ahaan dalkayagu waxa uu lahaan jiray xadaarad facween waxaana dalkeena loo aqoon jiray magacyo badan sida Dhulkii udgoonaa , Dhulkii eebe iyo Geeska Africa.

Caasimadda dalkeena waa Muqdisho, tan labaadna waa Hargeysa, tan sadaxaadna waa Kismaayo, tan afaraadna waa Burco, halka tan shanaadna waa Baydhabo, goboladii ugu horeeyay ee xornimadiisa qaata dalkeena waxa uu ahaa gobolka Waqooyi waxaana xornimadooda ay qaateen 26kii bishii June sanadii 1960kii halka gobolada kale ee koonfurtana ay xornimadooda qaateen 1-dii bishii Luulyo sanadii 1960kii.

Shirkii gumeestayaasha Africa ee lagu qeybsaday Africa ee ka dhacay Baar-liin 1884-tii ayaa dalka Soomaaliya loogu qeybiyey 5qeybood waxana shantaasi qeybood ay kala ahaayee: Gobolada Waqooyi oo la siiyay gumeestihii Ingiriiska. Gobolada koonfureed oo la siiyay gumeystihii Talyaaniga. Xeebta Soomaaliyeed ee Jabuuti ee loo dhiibay gumeystihii Faransiiska. N.F.D oo iyadana la siiyay dalka Kiiniya. Iyo gobolada Soomaali galbeed oo gacanta loo geliyay Dawladda Itoobiya. shantaan gobol waxaa la isku yiraahdaa shanta Soomaaliya taariikhdu markii ay eheyd 27kii bishii June sanadii 1977 ayay Jabuutina xornimadeeda qaadatay, waxaasa wali gacanta gumeestaha ku jira Soomaali galbeed iyo N.F.D. Hadaba markii ay xurnimada qaateen gobolada Koonfureed sanadii 1960kii waxay ahaayeen lix gobol oo kala ahaa gobolka Banaadir, gobolka Hiiraan, Gobolka Mudug iyo Gobolka Bari sidoo kale waxaa iyana ku soo idarsamay goboladii waqooyi ee iyaguna isla sanadkaas xornimada qaatay waxayna ku soo darsadeen koonfurta lbadii gobol ee xiligaasi gobolada waqooyi la'isku oran jiray, ee gobolka Waqooyi, Galbeed io gobolka Togdheer waxana ay isku noqdeen goboladii jamhuuriyadda sideeda gobol, markii uu kacaankii milatariga ahaa dalka Qabsaday ee la qaaday ololihii horumarinta reer miyiga ee sanadii 1973dii ilaa 1974tii xiligaasoo ay timid baahi ween oo ahayd in la magacaabo gobolo kale markaas waxaa sideedii gobol lagu kordhiyay todobo kale waxayna tirada gobolada dalka noqdeen shan iyo toban gobol Bilowgii sanadii 1980kii waxaa lagu kordhiyay gobolka Jubada dhexe, dabayaaqadii sideetameeyadii ayaa iyana la magacaabay gobolada Sool iyo Awdal xiligaasoo tirada gobolada dalku noqdeen sideed iyo toban gobol. Shaxda Gobolada iyo Degmooyinka Dalkeena.

 

Gobolada Soomaaliya Flag of Somalia
AwdalBakoolBanaadir | Bari| Baay| Galguduud | Gedo | Hiiraan  | Jubbada Dhexe  | Jubbada Hoose | Mudug | Nugaal | Sanaag  | Shabeellaha Dhexe | Shabeellaha Hoose  | Sool  | Togdheer | Woqooyi Galbeed


Dhererka u dhexeya Gobolada dalka. Shaxda soo socota ayaa waxa ay muujinaysaa fogaanta u dhexeysa Gobolada dalkeena iyo magaala madaxda.

 Muqdisho inta eey ujirto magaalooyinka kale

Masaafada u dhaxeyso Mugdisho iyo magaaloyinka kale
Baardheere Baki Baydhabo Beledweeyne Boosaaso Bu'aale Burco Ciiregaabo dhuusamareeb
Muqdisho 385km 1800km 247km 335km 1505km 485km 1340km 1450km 550km
Gaalkacyo Garbahaarey Garoowe Hargeysa Jowhar Kismaayo Laascaanood Marka Xudur
Mugdisho 750km 505km 925km 1600km 90km 500km 1220km 111km 430km

Fogaanta ay isu jiraan magaalooyinka

Hadaba shaxdan kalena waxa ay qayexeysaa fogaanta ay isu jiraan qaybo ka mid ah magaalooyinka dalkeena Soomaaliiya.

Masaafada u dhaxeyso magaaloyinka kale duwan
1
Afgooye Baardheere Baardheere Baraawe Baydhaba Baydhaba Beledweyne Boorama Burco Buuloburte
164km 195km 260km 168km 150km 155km 45km 269km 148km 116km
Buurhakaba Baydhaba Jilib Jilib Luuq Xudur Feerfeer Saylac Berbera Beledweyne
2
Buurhakaba Cadale Caluula Caluula Ceel buur Ceel dheer Ceeldhaab Ceeldhaab Gaalkacyo Gaalkacyo
66km 185km 40km 105km 110km 162km 255km 120km 256km 260km
Baydhabo Ceeldheer Bareeda Baargaal Sindago Ceel buur Ceerigaabo Burco Hobyo Garoowe
3
Garbahaarey Garoowe Garoowe Garoowe Gebiley Hargeysa Hargeysa Iskushuban Jilib Jowhar
129km 219km 222km 132km 52km 177km 70km 280km 114km 121km
Baardheere Eyl Qardho Laascaanood Boorama Burco Gebiley Caluula Kismaayo Buuloburte
4
Jowhar Kismaayo Kismaayo Laascaanood Luuq Luuq Marka Muqdisho Muqdisho Muqdisho
140km 139km 195km 141km 80km 69km 193km 30km 113km 95km
Cadale Afmadow Dhoobley Ceeldhaab Doolow Garbahaarey Baraawe Afgooye Marka Jowhar
5
Qardho Qardho Saylac Sindago Sindago Xudur Xudur
258km 221km 21km 164km 220km 115km 242km
Boosaaso Bandarbayla Lowyacado Beledweyne Gaalkacyo Yeed BuuleBurte

Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya.

Dalkeena waxa uu leeyahay kheyraad fara badan oo aanan halkaan ku soo koobi karin waxaasa ka mid ah kheyraadka dalkeena laga helo:

Dalagyada Soomaalidu Beerato ayaa waxa ay yihiin dalagyo aad u wanaagsan isla markaana aan ka bixin wadamada africa qaarkood waxana shaxda hoos ku qoran ay muujinaysaa magaca dalaga iyo inta uu ku bislaado:

Magaca inta ay ku bislaato:

Galayda 90 beri Masagada 90 beri Sisinta 90 beri Muuska 180 beri Digirta 80 beri Yaanyada 80 beri Babayga 90 beri Bataatiga 180 beri Lowska 120 beri Canbaha 6 sano

Wax soo saarka Badda dalkeena Soomaaliya waxa uu leeyahay labo badood oo kala ah Badda Cas iyo Badweynta Hindiya waana dal ay dhamaantiis ku dharersantahay Bad laga soo biloobo Cirifka Koonfureed ee Raaskambooni ilaa Cirifka Waqooyi ee Raascaseyr, magaalooyinka dhaca xeebaha waxaa ugu caansan saylac, berbera, caluula, boosaaso, Qandala, iskushuban bandarbayla, hobyo ,muqdisho, marka, baraawe, kismaayo

 Wabiyada dalkeena

Dalkan Soomaaliya waxaa mara labo wabi oo kala ah Jubba iyo Shabele waxayna ka yimaadaan dalka Itoobiya waxaana ugu dheer Webiga Shabele oo dhererkiisu uu gaarayo 1500km, waxaase ugu weyn uguna biyo badan webiga Jubba oo dhererkiisu uu gaarayo 800km. magaalooyinka ay dalka ka maraan hadaan soo qaadano webiga Shabele wuxuu dalka ka soo galaa xadka uu gobolka Hiiraan la leeyahay dalka Itoobiya meel u dhow magaalada Feer-feer wuxuuna soo maraa magaalyooyinka Beledweyne, Buuloburte, Jowhar, Balcad, Agooye, Jannaale wuxuuna ku dhamaadaa meesha la yiraahdo Dhaytubaako oo u dhexeysa Jilib iyo Shalaanbood, Wabiga Jubba isagu waxa uu dalka ka so galaa Xuduuda uu gobolka Gedo la leeyahay dalka Itoobiya wuxuuna soo maraa magaalooyinka Doolow Luuq Baardheere Bu'aale Jilib, Mareerey Kabsuuma iyo Jamaame wuxuuna ku dhamaadaa oo uu badda kaga darsoomaa meesha la yiraahdo Goobweyn oo Kismaayo u jirta 25km.

 


 

      

    
           

l

wabilaahi tooqfiiw